Sidee Maanta looga ciidayaa Caalamka Islaamka?
Maanta oo Isniin ah waxay Muslimiinta Caalamka ah u dabaal degayaal maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, halka Xujeyda Malaayiinta ah ee sanadkan gudanaya rukniga Xajka ay kasoo dhaqaaqeen Muzdalifa islamarkaana ay yimaadeen fagaaraha Mina si ay u tuuraan Jamrada weyn oo kamid ah , waxaana habeenkii xalay ay ku hooydeen Muzdalifa kadib markii maalintii shalay oo ku beegneyd sagaalaadka ay ku sugnaayeen banka Carafo.
Jawiga Ciida iyo farxadda ayaa waxaa laga dheehan karaa guud ahaan Muslmiinta Caalamka, waxaana sawirada iyo muuqallada Internetka lasoo galinayo laga dheehan karaa xadiga ay la egtahay Farxadda Muslimiinta.
Dhulka Xaramaynka dadku waxay u ciideen si wanaagsan, waxaana sanadkan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmeen Xujeyda xajineysa Baytka Allah, waxaana kalarada kala duwan ee Xajka isugu yimad markaad aragto si dhab ah u dareemeysaa hadalka Alalh ee ah Umatun Waaxida.
Guud ahaan dalalka Islaamka si wanaagsan oo reyn reyn leh ayaa looga ciidayaa, balse kama marna in qaar kamid ah Mulimiintu ay ku jiraan ma’saatka ay sanado badan ku dhex noolyihiin oo ay kamid tahay dulmiga uga imaanaya Rawaafid, Murtdiin iyo Gaalo is baheystay, kuwaas oo go’aan ku gaaray in dadkeena Muslimiinta ah dhibaatadooda ka shaqeeyaan mar waliba.
Wadamadaas waxaa kamid ah Turkistaanta Bari, Qowqaaz, Barma, Afrikada dhexe, Suuriya, Filastiin, Ciraaq iyo kuwa kale, waxaana kajira magaalooyinka ugu waaweyn dalalkaas dhibaato ay la kulmayaan Muslimiinta.
Marka laga hadlo Suuriya oo kale waxaa jira in magaalooyin badan oo kamid ah dalkaas ay go’doonsanyihiin sida Xalab, Macdamiyatu Shaam, Quudhada bari iyo kuwa kale, waxaana sidoo kale xusid mudan in magaalooyin qaar laga barakciyay Muslimiintii Ahlu sunnaha ee degnaa.
Waxaa kamid ah magaalooyinkaas Daariyah, taas oo maanta la arkayay madaxweynaha Nusayriga Bashaar Al-Asad oo gaari ku dhex wadanaya magaalada, taas oo muujineysa sida uu ugu faraxsanyahay in Muslimiintii lahaa magaaladan uu ka qixiyay balse waxaa hubaal ah in Daariyah maalin un kusoo laaban doonto gacmaha Muslimiinta.
Dhanka kale dhulka cizziga iyo sharafka ee Afqaanistaan ayaa sanado naf hur ah kadib waxay bilaabeen muslimiinta ku nool dalkaas iney gurtaan mirihii samirkooda, waxaana inta ugu badan dalka Afqaanistaan ka taagan Raayada Towxiidka iyadoona si ka leexad leexad lahayn loo tadbiiqinayo Axkaamta Shareecada Islaamka.
Gobolad iyo degmooyinka ugu badan dalka waxaa gacanta ku heysa Imaaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan, taas oo hogaamineysa dagaalka taariikhiga ah ee uu ku jira shacabkaas dulmi diidka ah.