Swidan oo dad lagu dhaawacay.
Afar Ruux ayaa ku dhaawacantay oo mid kamid ah dhaawiciisu halis yahay, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen dad ku sugnaa magaalada Maalmo oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn ee dhaca koonfurta dalka Swidan.
Sida ay sheegayaan rag hubeysan oo watay Mooto dheereysa ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa hareeraha laamiga, waxaana durba ay goobta ku dhaawaceen Afar Ruux oo mid kamid ah dhaawaciisu halis yahay maadaama ay xabaddu kaga dhacday madaxa sare.
Waxaa la sheegay in Raggii weerarka soo qaaday ay goobta isaga carareen, waxaana daqiiqado kadib goobta soo gaaray Ciidamo katirsan Booliiska oo ka badin waayay in dadkii dhaawacmay ay Cisbitaallada geeyaan mooyee, waxaana ay sheegeen ineysan gacanta ku haynin dadkii weerarka soo qaaday.
Booliiska Swidan waxay intaa ku dareen inuu socdo baaritaanno la xiriira weerarkan iyo waxa uu yahay, balse wali ma sheegin cida ay ku tuhmayaan ama nooca weerarka uu yahay.
Maalmahan xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta dalalka Maraykanka iyo Yurub, waxaana soo badanaya weerarada kaligii duulnimada ah oo ay geysanayaan dad Muslimiin ah.