Taliyaha Guutada Sadaxaad Goobaale oo Ku Dhintay Qarax Lala Eegtay.

goobaale1-620x330Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay gaari uu la socday Maxamed Rooble Jimcaale oo Loo yaqaanno Goobaale kaasi oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Milatariga Dowladda Federaalka.

Illo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa Alfurqaan usheegay in gaari uu La Socday Goobaale lagu beegsaday nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga.

Goobaale ayaa ahaa Sarkaal Gacan saar la leh shisheeyaha iyadoo Marar badan uu ka badbaaday isku day dil.

Dad ka ak dhawaa Goobta Qaraxa uu ka dhacay Ayaa Alfurqaan usheegay in gaari uu ukala daatay bool bool sababo ku aadan xajmiga uu lahaa qaraxa.

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Ayaa sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa Lagu Dilay Goobaale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.