Warbixin: Mu’assasada Al-Kataa’ib oo soo saartay Filim uu kasoo dhex muuqanayo Istish-haadi Saalax Bad-baado.

f

Muuqaal Video ah oo la daawan karo kudhowaad 20 daqiiqo ayay baahisay Mu’assasada Al-Kataa’ib, kaas oo lagu soo bandhigay weeraradii Istish-haadiga ahaa ee lagu qaaday Xerada Xalane subaxnimo Isniin ah oo taariikhduna ku beegneyd 26-dii Julay ee sanadkan 2016.

Waxaa qaybaha hore ee Isdaarkan kusoo baxay Luuqadaha Soomaaliga iyo Englishka lagu soo bandhigayaa muuqaal toos ah oo muujinaya Camaliyadda uu fuliyay Saalax Badbaado, taas oo uu ku beegsaday Kontoroolka hore ee Xerada Xalane halkaas oo ay ku sugnaayeen Tobanaan katirsan Ciidamada Shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya kusoo duulay.

c

Waxaa sidoo kale intaas kadib la arkayaa raadadkii ay reebtay Camaliyadda, iyadoo lasoo bandhigayo Burburka Gawaari ciidan oo ay haleeshay Camaliyadda.

lx

Filimkan oo loogu magac daray “من جور الأديان إلى عدل الإسلام” waxaa lagu daawan karaa Shirkii Jaraa’id ee uu qabtay Saalax Badbaado markii uu kasoo tagay dowladdii uu hogaaminayay Sharif Sheekh Axmed oo uu ka ahaa Xillibaan, waxaana uu sheegayaa Saalax in Allah uu uga towbad keenay islamarkaana kasoo baxay falkii uu ku jiray ee Gaalnimada uu ku tilmaamay Saalax, waxaana xilligaas ay ku beegneyd 10 February sanadkii 2010.

Sida lagu arki karo Isdaarka, wuxuu Saalax galay nolol caadi ah markii uu kasoo tagay dowladdii Shariif, waxaana lagu soo dhaweeyay Wilaayaadka Islaamiga ah ee lagu maamulo Shareecada Islaamka.

Mu’assasada Al-Kataaib ayaa goob joog ahayd kalimad dheer oo Saalax Badbaado ka jeediyay isku imaatin weyn oo ka dhacay magaalada Kismaayo sanadkii 2010, kolkaas oo magaaladu ay ka talineysay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana uu halkaas ka sheegay in mid kamid ah Asbaabihii uu kaga soo tagay Dowladda ay ahayd inuu u dul qaadan waayay Xasuuqa lagu hayo reer Muqdisho iyo waliba sida ay arinkaas ugu faraxsanaayeen Saraakiishii Shisheeyaha oo uu kamid ahaa Buhuko.

vr

Intaas kadib waxaa Filimka lagu soo bandhigayaa maalmihii ugu dambeysay nolosha Saalax Badbaado oo u muuqday nin si aad ah ugu faraxsan howsha uu ku wajahnaa ee Istish-haadiyada ah.

Goob aad u qurux badan oo ay ku yaalaan Geedo waaweyn kana tirsan Soomaaliya ayuu Saalax isagoo garwaaxsan qori AK47 ah ku qaadanayay Noloshiisa, waxaana wajigiisa laga arki karay dhoola cadeynta joogtada ah.

ae

“ Mu’assasada Al-Kataa’ib waxaa sharaf u ah iney idin soo gudbiso dar-daarankii uu reebay geesigaas Istish-haadiga ah, ee dhiigisa ku qoray guusha usoo hooyatay Muslimiinta “ ayaa lagu yiri Filimka ay soo saartay Al-Kataa’ib.

Kalimadda uu jeediyay Saalax Badbaado laguna soo bandhigay Filimka waxay guud ahaanba ku socotay Shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay, waxaana uu kaga hadlay qorshe dhagareedka ay Shisheeyuhu mar waliba usoo malleegi jireen Umadda Soomaaliyeed.

g

 

 

Saalax wuxuu sheegay in Shisheeyuhu ka shaqeynayaan dhibaateynta iyo hagardaamada Umadan Muslimka ah ee halka diin leh, wuxuuna sheegay in isagu uu goob joog u ahaa shirar badan oo ka dhacay dalalka Afrika, kuwaas oo lagu hagardaameynayay midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

k

Wuxuu sheegay Istish-haadi Saalax Badbaado in dhibaatada maanta ka jirta Soomaaliya ay tahay mirihii ka dhashay dhibaatooyinkii ay reebeen Gumeystihii sida tooska ah u heysan jiray Soomaaliya wixii ka horeeyey lixdankii.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.