Waxgaradka Sh/Hoose oo Ka Hadlay Hagar Daamada IGAD Ee Somalia.(Maqal)
Madaxda Shisheeye ee Ciidamada Ka joogaan Soomaaliya sida Kenya.Ugandha iyo Itoobiya ayaa dhawaan ku kulmay Magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegeen inay ilaalinayaan midnimada Soomaaliya.
Qaar kamid ah dadweynaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa idaacadda Alfurqaan usheegay in Urur Gobaleedka Ugad uu yahay urur ay ku shaqeysato Itoobiya islamarkaana uu ka xasili la’yahay dalka Soomaaliya.
Waxgaradka shabeelaha Hoose ayaa warka Igad kasoo yeeray ku tilmaamay mid aanan sal lahayn, Soomaaliyana ay ku jirto Gumeysi.
Maamul Gobaleedyada Dalka ka dhismay ayay sheegeen inay wadato Itoobiya oo lagu kala dhantaalayo midnimada Soomaalida.
Gumeystaha ayay sheegeen inuu dadka kala qeybiyo kadibna uu xukumo.
Waxa kaliya ee umadda dhibka kaga bixi karto ayay sheegeen inay tahay in loo soo laabto kitaabka laguna dhaqmo.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA WAXGARADKA.