Weerar khasaare dhaliyay oo ka dhacay dalka Maraykanka.
Waaberigii maanta oo Sabti ah waxaa weerar khasaare dhaliyay lagu qaaday Xarun weyn oo laga dukaameysto kuna taalla Gobolka Washington ee dalka Maraykanka.
Qof hubeysan ayaa gudaha u galay xaruntan Ganacsi oo ku taalla degmada Burlington ee dhacda wuqooyi galbeed magaalada Washington, waxaana uu halkaas ku dilay 4 Ruux.
Ciidamada Booliiska Maraykanka oo gaabta gaaray ayaa xaqiijiyay inuu baxsaday ruuxa weerarka soo qaaday, waxaana ay baahiyeen sawir ay ku tilmaameen inuu yahay Ruuxa weerarka fuliyay.
Booliiska ayaa ku tilmaamaya ruuxaas inuu yahay qof halis badan islamarkaana hubeysan, waxaana shacabkooda ay kacodsadeen in lagu soo war geliyo haddii la arko.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan, waxaana Booliisku sheegayaa in wax waliba ay suura gal tahay, maadaama maalmihii ugu dambeeyay dalka Maraykanka ka dhacayeen weeraro sil-silado ah oo dadka qaadaya ay kala duwanyihiin, qaar waxaa fulinayay dad Muslimiin ah, halka qaarka kalana ay ku kacayeen dadka madowga ah oo kasoo horjeeda siyaasadda Cadaanka.