Xaajji Roog oo Xoroobay.(Maqal)

wikipedia-_microfoneAfartii bilood ee la soo dhaafay waxaa ciidamada amxaarada iyo tigrega u xirnaa nabadoon xaajji roog oo ka mid ah indheer garadka Galgaduud gaar ahaanna odayaasha islaamiga ee beesha Waceysle.

Xaajji roog ayaa mar ku xirnaa magaalada Galcad iyadoo kadibna loo soo wareejiyay deegaanka bud bud ee isla gobalka Galgaduud halkaasoo shalay ay ka guureen ciidamada amxaarada iyo tigreegu.

Dablay u daacadda Itoobiyaanka ayaa nabadoonka ka soo qabtay deegaan baadiye ah oo Galcad shan saacadood looga lugeeyo.

Wareysi dheer oo Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan xaajji roog shalay la yeelatay ayuu ku sheegay in itoobiyaanku dadka ay qabteen qaarkood dhaansan jireen oo ay biyaha ceelasha uga soo qaadi jireen.

Wuxuu intaas ku daray in asiga muddo toban habeen ah la figeynayay tilaabadaasoo ka mid ah tacdiibka ay shisheeyuhu u geystaan muslmiinta u gacan gala.

Xaajji roog wuxuu sheegayaa in uu ku faraxsan yahay in uu xor yahay deegaankoodana  Itoobiyaankii iyo kaaliyaashoodi ka baxeen asigoo ku baaqaya in jihaadka la sii xoojiyo.

Wuxuu tilmaamay in shalay subax markii ay bud bud ka guurayeen itoobiyaanku Allaah ka soo daayay waxaanuu intaas raaciyay in ay jiraan afar rag ah oo deegaanka ah kuwaasoo itoobiyaanku iyagoo maxaabiis ah horay u sii kaxeysteen.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u jeediyay dadka deegaanka ka soo jeeda ee itoobiyaanka soo duulay garab iyo gaashaan u noqday dabadeedna la guuray asigoo kula taliyay in ay Allaah u towba keenaan dhulkoodnaa ku soo noqdaan.

Dhageyso Wareysiga Xaajji-Roog

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.