Xagaaley “Michael keating wuxuu metelayaa kofil”

wikipedia-_microfoneDalka soomaaliya waxaa shisheeyaha ku amar ku taagleynaaya ka mid ah Michael keating oo u dhashay dalka ingiriiska ee soomaalida kala qeybiyay barkeedna shisheeyaha siiyay sida soomaali glabeed iyo NFD.

Michael keating war uu dhawaan soo saaray waxa uu ku sheegay in xasan sheekh maxmauud oo ah madaxweynaha dowladda federalaka aanuu kursiga ku fadhi Karin marka la gaaro lixda bisha November warkaasoo muujinaya in u asigu dalka madax ka yahay.

Siyaasiga cabdulaahi cali xagaleey oo xalay ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in ay ahayd in Michael keating dembiyadii dalkiisu soomaaliya ka galay lagula xisaabtamo oo la yiraahdo dalka adigu ka bax laakiin kuwii sidaa oran lahaa uu iyaga u talinayo.

Michael keating wuxuu metelayaa kofil” ayuu yiri xagaleey oo intaa ku daray in kuwa iminka asiga la shaqeynayaa iyaguna ka dhigan yihiin soomaalidii xiligii kofil joogay ku biirtay ciidanka rakuubleyda ingiriiska.

Koofil wuxuu ahaa sarkaal kibir badna oo ingiriiska daraawiishtii siyad maxmaed cabdulle xasan hogaaninayay ayaana soomaaliya ku dishay xiligii gumeysigii caddaa dalka joogay.

Xagaley sidoo kale waxa uu ka waramay loolanka ka dhex dhala kara xasan sheekh iyo cumar cabdi-rahsiid oo wada murashaxiin ah iyo arimo kale.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA QAGALEEY

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.