Xarakada Alshabaab oo Qasaaro Xoogan ugaysatay Ciidamada Kenya.
Ciidamo Katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Ka Howlgala Gudaha Kenya ayaa xalay qaaday weerar najaxay oo ka dhan ah Askarta Dowladda Kenya.
Saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan Lagu Magacaabo Haamey oo hoostaga degmada Gaarisa Ayay Mujaahidiinta Alshabaab udaateen.
Dagaal kooban kadib Ciidamada Mujaahidiinta Waxa ay Guud ahaan Gacanta Ku dhigeen oo ay la wareegeen Saldhiga iyo wixii yiilay.
Askarta Saldhiga Ku sugnaa ayaa Noqday kuwa lalaayay,kuwa gacanta Lagu dhigay iyo kuwa Firxaday.
Xog ay heshay idaacadda islaamiga ah Alfurqana islamarkaana aynu kasoo xiganay saraakiil katirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijinaysa Ciidamada Mujaahidiinta inay dileen Askar Ku dhaw 10 Askari Halka Gacanta Ay ku dhigeen Laba Askari oo katirsanaa Ciidamada Kenya.
Saanad Ciidan oo Nuucyo kala duwan leh islamarkaana ay kamid yihiin rasaas qoryo iyo isgaarsiintii saldhiga ayay Mujaahidiinta Goobta kaga rarteen Gaari Cabdi Bile ah oo laga furtay Ciidamada laga fara maroojiyay saldhigooda.
Weerarkaan ayaa kamid ah weeraro qorshaysan oo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Si joogta ah kaga gaysato Gobalka Kenya ugu yeertay waqooy bari Kenya.
Maamulka Gobalka Gaarisa ayaa xaqiijiyay inuu jiro dagaalka lagu soo qaaday ciidamadooda iyagoo ka gaabsaday ka hadalka qasaaraha soo gaaray ciidamadooda.
Ammaanka Magaalada Mandheera iyo Magaalooyin kale ee dhaca Gobalka NFD Ayaa Maalmihii Danbe aad loo adkeeyay iyadoo Kenya ay ka walwalsanayd weeraro kaga yimaada Alshabaab Balse aysan garan Karin saldhiga iyo Magaalada Shabaabku ay ku wajahanyihiin.
Dagaalka Lagu Laayay Ciidamada Kenya ayaa Kusoo Aadaya xili Dadweynaha Kenya iyo Ciidamadooda ay la murugaynayeen dadkii looga laayay Weerarkii Westagate oo dhacay shalay oo kale sanadkii 2013-kii
Kenya oo haystay Amni islamarkaana ka badqabtay gacanta Alshabaab ayaa qaadatay mashruuca ka dhanka Ah Soomaalida ee Mareeykanka iyo Xulufadiisa Maalgaliyaan, Waxaana Taasi ay dhalisay inay ku dhacdo god aysan garan Karin hannaan iyo jaho ay kaga baxdo.