Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ka hadashay Weerarkii ka dhacaya Bariga Gaalkacyo.(Maqal)
Xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa beenisay warar sheegayay in ciidamo kuweedaa lagu beegsaday deegaanka jeexdin ee bariga Gaalkacyo halkaasoo habeen hore duqeynu ka dhacday.
Waaliga wilaayada Mudug Sheekh Cabduqaadir ayaa wareysi ay la yeelatay idacaadda islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu ku sheegay in Maraykannku laayay maleeshiyaad ka tirsan maamulka Galmudug.
Wuxuu tilmaamay in maamulada maraykanka la shaqeeya awal jaajuusi jireen dadka muslimiinta ah laakiin iminka iyagu is jaajuusayaan.
Sheekh cabdulqaadir ayaa hoosta ka xariiqay in maraykanku weerarkaas kas iyo ula kac ula beegsaday ciidamada maamulka Galmudug isla markaana ay wada socdeen asiga iyo ciidamada puntland.