Xildhibaan Goodax “Xasan Sheekh waa dagaal ooge dalkana maxmiyad baa la geli rabaa”(Maqal)
Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ahayaa sheegaya in sababta hadba doorashada dib loogu dhigayo ay tahay iyadoo kooxda talada haysaa dooneyso in ay ku shubato si gaar ahna waxa uu farta ugu goday madaxweynaha xilligiisu dhamaaday xasan sheekh maxamuud.
Cabdullaahi goodax barre oo ay wareysatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu tilmaamay in xasan sheekh aanuu madaxweyne ugu yeeri Karin laakiin uu yahay dagaal ooge.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay sugayaan dagaal oogayaal kale oo ay hardamaan amaba dagaalo ay dhex maraan.
Wuxuu sheegay in xasan sheekh waagii ay mooshinka ka keeneen u sheegay haddii xattaa baarlamaanku xilka ka qaado aanuu madaxtooyada ka baxeyn in asigoo meydka ah naxash looga qaada mooyee iminkana uu go’aankaa ka taagan yahay.
Cabdulaahi gooddax barre wuxu tilmaamay in sawirka u muuqanaa yahay in dalka oo dhan maxmiyad la geliyo oo shisheeyuhu awoodda gebi ahaanteedba la wareego ee aanuu sugeyn in doorasho ay dhacdo.