Alshabaab iyo Amisom oo Ku Dagaalamay Shabeelaha Hoose.
Ciidamada Mujaahidiinta Jabhadda Wilaayada Shabeelaha Hoose ayaa Saaka Dagaal Ku Galay Degmada Qoryooley oo kamid ah degmooyinka shabeelaha Hoose.
Saraakiisha Mujaahidiinta Ayaa idaacadda Afka Alshabaab Ku Hadasha Ee Andalus usheegay in xerada la weeraray ay horay u sahmiyeen kadibna saaka ay ka weerareen dhinacyo kala duwan.
Dagaalka ayaa ku bilowday madaafiic kadibna waxaa xigay ciidanka Mujaahidiinta oo toos u abaaray Saldhiga.
Muddo kadib ciidanka Mujaahidiinta ayaa dib kaga soo baxay degmada Qoryooley.
Lama oga Qasaaraha Ka Dhashay Dagaalka.