Ardayda Itoobiya looma sheego in dal Soomaaliya la yiraahdo jiro.(Maqal)

micAmxaarada iyo tigreegu waxay aaminsan yihiin in soohdimaha itoobiya ku eg yihiin badda cas iyo badda madow wixii dhul iyo dad ah ee dhirirsana ay yihiin qeyb Itoobiya ka mid ah.

Taa micnaheedu waxaa weeye in aanay aqoonsaneyn jiritaanka Soomaaliya oo Soomaalida ay itoobiyaan u aqoonsan yihiin.

Sheekh Cabdulaahi oo ka mid ah culumada diinta islaamka yaraantiisiina iskuul amxaaradu ugu dhigtay dhulka Soomaali galbeed ee Itoobiya haysato ayaa tilmaamaya in juquraafiga Itoobiya aanay ku jirin wax Soomaaliya la yiraahdo.
Wuxuu si qotta dheer uga sheekeeyay cadawtooyada amxaarada iyo tigreega iyo naceybka ay u qabaan muslimiinta iyo diinta islaamka.

Sheekhu wuxuu ka hadlay qalalaasaha iminka Itoobiya ka jira ee Oromada iyo Axmaaradu hormuudka u yihiin lana doonayo in lagu rido xukuumadda tigreega.

Wuxuu oromada, Soomaalida iyo Canfarta kula dar daarmay in ay fursadda ka faa’iideystaan oo ay soo xoojiyaan kacdoonka tigreega lidka ku ah ayna ku dadaalaan sidii ay xoriyadooda kus oo cesha lahaayeen.
Halkan Kala Deg Wareysiga Seekh-Cabdulaahi

You might also like
1 Comment
  1. Subeyr Warsame says

    Hadlkaa sheekh cabdillaahi waa runtii kaasi oo ah inaanay itoobiya ictiraafsanayn dal somaliya la ydhaahdo ,xuduuda itoobiyana ay ku egtahay badwaynta hindiya iyo bada cas,waxaanan ku rumaystay ,markii somalidu xoryada u dhaqdhaaqysay sanadihii afartamaadkii iyo kontomaadkii ayaa wuxuu xayle salaase odhan jirey wax somali la yidhaahdaa ma jirte waxani waa bahwaynta itoobiya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.