Beelaha Gaalkacyo oo baaq muhiim ah Loo Diray.(Maqal)

micAqoon yahan Cabdulaahi Cali Xagaleey oo ay wareysatay idaacada islaamiga ah ee alfurqaan ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dhaqan magaalada gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa dhiigooda ka beec mushtaraya ee madaxweynayaasha sheegta.

Xagaleey wuxuu si qotta dheer uga waramay xariirka durugsan ee qaraabanimo, midka diineed iyo midka luuqadeed ee ka dhaxeeya umadda Gaalkacyo degan asigoo tilmaamay in aanay kala maarmin.

Wuxuu ugu baaqay in ay allaah u laabtaan oo ay talo saartaan arimahoodana ay xaliyaan aysan dheg u dhigan kuwa in ay qaraabo la yihiin sheeganaya laakiin cadawga ku ah ee shisheeyaha adeegaya.
Maamulada shisheeyuhu adeegsado ee Galmudug iyo Puntland ayaa madaxweynayaashooda oo kala ah cabdi weli gaas iyo cabdi-kariin xuseen guuleed mid waliba u arkaa in danu ugu jirto sii hurinta colaadda labada beelood ee wada dhashay.

Halkan Ka Dhageyso Waraysiga Xagaleey.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.