Ciidamada Itoobiya oo guud ahaanba ka cararay degmada Tiyeeglow iyo Al-Shabaab oo la wareegay.

sawir-14

War la hubo la iskuna halleyn karo oo kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda Islaamiga ah AlFurqaan ayaa tibaaxaya in saaka oo Arbaco ah degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya oo in muda ah ku sugnaa magaaladaas.

Dadka deegaanka oo ay Alfurqaan qadka ku heshay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanku maalmihii ugu dambeeyeyba ay wadeen dhaq-dhaqaaq u muuqday bixitaan, islamarkaana saaka ay guud ahaanba ka carareen magaalada.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay degmada Tiyeeglow daqiiqado kadib markii Itoobiyaanku ka baxeen magaalada, waxaana lasoo sheegayaa in jawi farxadeed oo aan lasoo koobi karin uu ka jiro degmada Tiyeeglow.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.