Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Halgan iyo Mujaahidiinta oo la wareegay.
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in saaka Ciidamada Itoobiya ay isaga carareen guud ahaan magaalada Halgan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka Ciidamada iyagoo wata gawaarida dagaalka ay isaga ruqaansadeen magaalada Halgan iyagoona cagta saaray dhanka wadada aada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa durba markii Itoobiyaanku isaga baxeen Halgan la wareegay magaalada, waxaana aad usoo dhaweeyay dadka Muslimiinta ah oo ku faraxsan imaanshaha Mujaahidiinta.
Wixii soo kordha iyo faafaahinta oo dhameystiran dib ayaan idin kaga soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.
كل مكان
اللهم انصر المجاهدين في سبيلك في