Ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Kenyaatiga oo isku fara saaray duleedka Baardheere.

sawir-20

Gelinkii dambe ee maanta ayaa Ciidamo katirsan kuwa Kenyaatiga oo ay la socdaan malleeshiyaad Soomaali ah waxa uu dagaal ku qabsaday meel duleedka ka ah magaalada Baardheere ee Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo kadib markii ay ku dhaceen weerar kamiin ah.

Ciidamadan oo waday dhaq-dhaqaaqyo milliteri ayaa la kulmay weerar aad u xoogan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Kenyaatiga oo ay la socdeen Malleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Suufida ayaa markii uu dagaalku ka adkaaday kadib waxay ku qasbanaadeen iney dib ugu laabteen Baardheere, waxaana goobihii lagu dagaalamay lagu arkay raadad muujinaya in khasaare lixaad leh uu gaaray ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida.

Wararka horudhac ah ee la xiriira khasaarahooda ayaa ku waramaya in ugu yaraan 7 Askari ay ku dhaawacantay dagaalka oo isugu jira Kenyan iyo Soomaali, waxaana sidoo kale jira tira dhimasho ah.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxaa goobta uu dagaalku ka dhacay kusoo degtay Diyaarad Hellicopter ah oo qaaday maydadka iyo dhaawacyada Kenyaatiga.

Shalay ayaa ahayd markii sidan oo kale Ciidamo Soomaali ah isugu dayeen iney dhaq-dhaqaaq sameeyaan waxaana dagaal kala hortagay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.