Ciidamada Xabashida Itoobiya oo Ka Baxay Degmo istaraatiiji ah.
Warar ku soo dhacay warbaahinta islaamiga ah Alfurqaan ayaa ku waramaya Ciidamada Xabashida Itoobiya in Guud ahaan saaka aroortii ay ka baxeen Magaalada Ceel-cali ee Gobalka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya.
Ceel Cali waa Degmo istaraatiiji ah oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan Waxayna Qiyaastii 75km Koonfur Kaga Aadantahay Magaalada Baladweyne.
Muddo ayay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya iyagoo lacago baad ah ka qaadi jiray gawaarida sii marta Magaalada.
Xalay ayaa Magaalada waxaa kasii cararay Maleeshiyaad Soomaali ah oo ka war helay dhaqdhaqaaqa Itoobiyaanku ka wadeen Magaalada.
Ceel Cali waxaa ka baxa wadooyin aada Dhulka Soomaali galbeed iyo Gobalada Bakool,Hiiraan.Shabeelaha Hoose.
Cidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa Xalay Magaalada Ku duqeeyay Ciidamada Itoobiya.
Wali Magaaladu magalin Alshabaab Balse waxa ay kaga socdaan dhowr jaho iyadoo la filayo inay galaan saacadaha nagu soo wajahan.
Dadweynaha Ku dhaqan Magaalada oo Gumeysi ka xuroobay ayaa saaka ku faraxsan bixista Ciidamada Itoobiya.