Ciidamo aad u farabadan oo katirsan Xukuumadda Kaabul oo isku dhiibay Imaarada Islaamiga ah.

images

Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa xaqiijisay in ay isasoo dhiibeen ciidamo aad u farabadan oo katirsan Booliiska iyo milliteriga xukuumadda taagta daran ee Shisheeyuhu ka dhiseen dalka Afqaanistaan wixii ka dambeeyay markii ay rideen Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan.

Imaarada ayaa war kooban oo ay sooo saartay waxay ku sheegtay in 100 Askari oo ka kala tirsan Booliiska iyo Milliterigu ay isku soo dhiibeen Mujaahidiinta, kadib juhdi dheer oo ay gelisay Lajnada dacwiga ah ee Imaarada Islaamiga ah.

Ciidamada ayaa iyaga iyo hubkii ay wateen waxay isku soo dhiibeen wilaayada Arozjaan ee Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan, waxaana intooda ugu badan ay katirsanayeen guutada Afaraad ee ciidamada Xukuumadda Kaabul.

Dalka Afqaanistaan ayaa marti gelinaya dagaallo Malaaxim ah oo dhexmaraya Mujaahidiinta iyo Malleeshiyaadka, waxaana haatan firxanaya islamarkaana shaqada ka cararaya Malleeshiyaadka kuwaas oo iyagoo raxan raxan ah isku sooo dhiibaya Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.