Ciidamo katirsan kuwa Hindiya oo lagu weeraray Saldhig ay ka deganyihiin gobolka kashmiir.

102016323544148

Wararka ka imaanaya gobolka Muslimiintu leeyihiin ee Kashmiir balse ay gumeysato dowladda Hindiya ayaa sheegaya in habeenkii xalay uu gobolkaas marti geliyay weerar xoogan oo lagu qaaday Ciidamo katirsan Hindida.

Rag hubeysan oo aan cadadooda la sheegi karin ayaa weeraray saldhig ay deganyihiin guutooyin katirsan ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee dowladda Hindiya, waxaana goobtaas ka dhacay dagaal muda socday.

Mandiqadda uu weerarku ka dhacay oo lagu magacaabo Baramoola ayaa xigta dhanka Paakistaan,waxaana dowladda Hindiya ay ku eedeysay weerarkaas iney soo qaadeen kooxo Islaamiyiin ah oo kasoo baxay dalka Paakistaan.

Ugu yaraan hal Askari ayay dowladda Hindi qiratay in weerarkii xalay lagu soo qaaday looga dilay, waxaana suura gal ah in khasaaruhu intaas ka badanyahay balse ay dowladda Hindidu qarineyso.

Dhawaan ayay ahayd markii weerar kan lamid ah oo ka dhacay meel u dhow xuduud beenaadka Hindiya iyo Paakistaan looga dilay Hindiya 19 Askari, waxaana weerarkaas kadib mugdi uu soo galay xiriirka hindiya iyo Paakistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.