Ciidamo Maraykan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Kaabul.
Qof ku labisan Dareeska Ciidamada milliteriga Xukuumadda Kaabul, islamarkaana katirsanaa ciidamada Xukuumadda Kaabul ayaa weerar khasaare dhaliyay ka fuliyay saldhig ku yaala magaalada Kaabul oo ay ku suganyihiin Ciidamo Maraykan ah.
War kasoo baxay Ururka Naato ee duulaanka shareeca la dirirka ah ku qaaday dalka Afqaanistaan sanadkii 2001 ayaa lagu sheegay in weerarka ka dhacay saldhiga Milliteri ee Rishkor lagu dilay labo Askari oo Maraykan ah iyo dhaawca saddex Askari oo kale oo dhamaantooda kasoo jeeda dalka Maraykanka.
Bayaanka Naato ayaa lagu sheegay in mid kamid ah dadka dhintay uu ahaa qof shacab ah balse kasoo jeeda Maraykanka, waxaana la is waydiin karaa waxa qof Shacab ah oo Maraykan ah dhex geeyay saldhig ciidan oo ku yaala Kaabul, balse waxaa loo badinayaa inuu ahaa Askarta sida qarsoon u shaqeysa ama ugu yaraan la howlgasha Hay’adaha kala duwan ee Shisheeyaha hoostaga kuna sugan dalka Afqaanistaan.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga xukuumadda Kaabul ayaa dhankiisa sheegay in la dilay ruuxa weerarka fuliyay, waxaana uu intaa ku daray inuu labisnaa dareeska Ciidamada Milliteriga.
Weerarada noocan ah ee ay fuliyaan Askar horey uga tirsanaan jirtay Xukuumadda Kaabul balse si kedis ah uga towbad keena arinkaas ayaa tan iyo sanadkii 2008 waxa uu kusi badanayay dalka Afqaanistaan, waxaana arintan ay aad u cabsi gelisay ciidamada Maraykanka iyo Saraakiishooda oo danta ku qasbeyso iney iska ilaaliyaan ciidamada Afqaanistaaniyiinta.
Sida lagu sheegay qiyaas la sameeyay, waxaa tan iyo sanadkii 2008 ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan Afqaanistaan ay la kulmeen 92 weerar oo noocan oo kale ah, waxaana lagu dilay tobanaan ruux oo isugu jira ciidamo, Saraakiil iyo La taliyaal sare oo dhamaantooda kasoo jeeda Dowladaha Naato.