Ciidamo Ruush ah oo ku sugan dalka Masar.
Markii ugu horeysay dowladda Ruushka ayaa ciidamo milliteri waxay keentay mid kamid ah dalalka qaaradda Afrika dhaca, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamayaa mid muujineysa ahdaafta fog fog ee gumeysiga ku saleysan ee Ruushku ka leeyahay dalalka Islaamka.
Dowladda Masaarida oo kamid ah dowladaha sida adag dagaalka ugula jira Islaamka iyo Muslimiinta ayaa u aragta faragelintan iyo duulaankan Ruushka soo qaaday mid iskaashi ah, waxaana ay sheegayaan in tababaro wadajir ah ay labada ciidan ay sameyn doonaan.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga Masar ayaa bartiisa Facebooka ku baahiyay muuqaal kooban oo lagu daawan karo dhoolatusyo ay sameynayaan ciidamo ka kala socoda labada dal, waxaana Tababaradan oo soconaya 11 maalmood ka qayb qaadanaya Diyaaradaha dagaalka.
Dowladda Ruushka ayaa wada galaan gal milliteri oo ka dhan ah dowladaha Yurubta, waxaana taas darteed ay ku qasbantahay in isbaheysi ay la sameyso qaar kamid ah wadamada dhaca qaaradda qadiimiga ah ee Afrika.