Ciidanka Itoobiya oo lix weerar iyo qaraxyo kula kulmay inta u dhaxeysa ceelbuur iyo maxaas.

alshabaabCiidamada Itoobiya ayaa lix weerar oo dhabba gal ah lagula beegsaday deegaano ka tirsan gobalka galguud iyadoo sidoo kale ay jireen qaraxyo miinooyin ah oo gaadiidka ay wateen lala beegsaday.

Weeraradaan ayaa dhacay dorraad ilaa shalay gelinkii dambe waxaana la aamisan yahay in itoobiyaanka askaru uga dhimatay.

Qaar ka mid ah ciidamadaan ayaa ka soo baxay magaalada ceelbuur oo galgaduud ka tirsan halka kuwa kalena ka dhaqaaqeen magaalada maxaas oo ku taal cirifka hiiraan ee dhanka galgaduud hadafkuna wuxuu ahaa in gaadiid waaweyn oo kunteenaro saaran yihiin iyo booyado lagu wareejiyo ciidanka ceelbuur fadhiya ee Itoobiya.

Laba mar ayaa dorraad la weeraray ciidamada ceelbuur ka soo tegay halka kuwa maxaas ka baxayna inta maxaas iyo wabxo u dhaxeysa oo galgaduud ka tirsan laba mar lagu weeraray.

Labada ciidan ayaa ku kulmay halka la yiraahdo xamaar oo dhaxeysa wabxo ee iyo deegaanka dab qurun.

Halkaas waxaa la sheegya in laba diyaaradood ugu soo degeen kuwaasoo la filayo in ay meydad iyo dhaawacyo qaadeen.

Intaa ka kadib ciidanka ayaa kala gaddoomay waxaana mid weliba mar kale la kulmay weerar jid gal ah.

Dhan kale shalay ciidamada Itoobiya laba askeri oo soomaali ah lana shaqeynaysay ayay ku dileen duleedka magaalada wabxo.

Askartaas ayaa ka goostay magaalada maxaas waxaanay aadeen gobalka galgaduud gaar ahaan halka shabaabul mujaahidiin ka taliso balse Itoobiyaanka ayay dariiqa ku kulmeen kadibna waa la toogtay halkaa ayayna ku dhinteen.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.