Dagaalka Xalab oo wali socda iyo Mujaahidiinta oo horumaro soo hooynaya.

photo_2016-10-30_12-32-32

Iyadoo macrakada la doonayo in go’doonka looga qaado magaalada Xalab ay gashay maalinteedii sadexaad ayay Mujaahidintu soo hooynayaan guulo la taaban karo, iyadoona dagaallo kulul wali ay ka socdaan gudaha iyo daafaha magaalada.

Dagaalka ugu culus wuxuu maanta ka socodaa xaafadda 3000 dabaq ee ku taalla gudaha Xalab, waxaana haatan halkaas uu dagaal kulul ku dhexmarayaa Inqimaasiyiin katirsan Mujaahidiinta iyo malleeshiyaadka Nidaamka Nusayriga Bashaar Al-Asad.

Gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ee Mujaahidiintu leeyihiin ayaa si xoog leh uga qayb qaadanaya dagaalka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray Rawaafida iyo Nusayriyada.

Mujaahidiinta ayaa isku dayaya iney guud ahaanba la wareegaan Akaadeemiyadda Caskariga iyo xaafadda Al-Xumeydaan oo haddii ay la wareegaan ay ka dhigantahay in go’doonka ay ka baxday magaalada Xalab.

Jabhadda Fatxu-Shaam, Xisbiga Islaamiga ah ee Turkistaaniyiinta, iyo jamaacaad kale ayaa si kulul uga qayb qaadanaya dagaalka, waxaana duulaakan loogu magac daray Sheekh Abii Cumar Saraaqib oo ahaa amiirkii hore ee Jayshul Fatxi lslamarkaana dhowr bilood kahor ku shahiiday duqeyn diyaarad Maraykan ah kula beegsatay meel u dhow magaalada Xalab.

Barta rasmiga ah ee Jabhadda Fatxu-Shaam ayaa baahisay sawirrada Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani oo ka qayb qaadanaya dagaalka, waxaana lasoo bandhigay sheekha oo isaga iyo hogaamiyaal Milliteri ay isla degjinayaan qorshe dagaaleedka lagu doonayo in go’doonka looga qaado Xalab.

photo_2016-10-30_12-33-05

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.