Dagaallo xoogan oo maalintii saddexaad ka socoda magaalada Xalab.

441

Magaalada Xalab ee dalka Suuriya waxaa maalintii saddexaad ka socoda dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada Mujaahidiinta oo dhinac ah iyo kuwa Nuseyriyada oo isku dayaya iney la wareegaan xaafado katirsan dhanka bari ee magaalada Xalab.

Malleeshiyaadka Nusayriyada ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxay wadeen isku dayo ay ku doonayaan iney kula wareegaan xaafadda Salaaxu-Diin balse Mujaahidiinta Jayshul Fatxi ee Ribaadka kaga jira Xalab ayaa jilbaha u aasay Malleeshiyaadka.

Waxaa dagaalka barbar socoda duqeymo xoogan oo ay fulinayaan diyaaradaha Nidaamka iyo kuwa Ruushka, iyadoona tan iyo saaka lasoo wariyay iney dhaceen duqeymo xoogan oo ay ku shahiideen tiro dad Muslimiin ah.

Xaafado kala duwan oo ku yaala gudaha Xalab iyo banaankeeda ayaa duqeymuhu ka dhaceen, waxaana inta haatan la hubo lasoo warinayaa istish-haadka 3 Ruux iyadoona suuragal ay tahay in dhimashadu intaas kasii badato.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.