Dhageyso:Ciidamada Itoobiya oo mucaaradka ku biiraya.
Xaaladda itoobiya ayaa sii xumaanaysa iyadoo ciidamada qaarkood ku biirayaan qowmiyadaha amxaarada iyo oromada oo ay ka soo jeedaan,
Gobalada oromada ciidamo ku sugnaa oo qowmiyaddaas u dhashay ayaa ku biiray kacdoon wadayaasha doonaya in meesha laga saaro maamulka tigreega cadaadiskana ku haya dadka maamulkiisa ku hoos nool.
Aqoon yahan Maxamed Maxamuud oo ka soo jeeda dhulka soomaali galbeed ee itoobiya gumeysato xaaladda itoobiyana dibadda kala socda ayaa wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu kaga sheekeeyay meesha cakiran ee itoobiya arinteedu mareyso.
Kacdoonka itoobiya ka socda ayaa soo bilowday sanadkii 2015 waxaanuu u muuqdaa in uu maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanayo.
Dhageyso Wareysiga Aqoonyahan Maxamed-Maxmuud.