Dhageyso:Qasaaraha Laga Dhaxlo in qabiil loo diriro.
Iyadoo Soomaaliya dagaalada qabyaaladda ku saleysan ku badan yihiin ayaa sheekh Cali Katiin oo ka mid ah culumada diinta islaamka wuxuu ka hadlay qasaaraha laga dhaxlayo in qabiil dartii qof Muslim ah dhiigiisa loo daadiyo.
Wuxuu sheegayaa in dagaaladaas cadaab lagu mudanayo asigoo dadka Soomaalida ugu baaqay in ay qabyaaladda ka fogaadaan.
Sheekhu waxa uu si qotta dheer uga jawaabay Su’aal ku saabsanayd waxa dadka Soomaaliyeed qaarkood xoojinaya marka ay dagaal sokeeye gelayaan marka dagaal shisheeye la soo sheegana ka dhigaya kuwa aan tabar lahayn.
Sidoo kale sheekhu wuxuu ka hadlay dagaalada ay hormuudka u yihiin dadka shisheeyaha qandaraaska ka soo qaatay kaasoo ah in muslimiinta iyo diinta islaamka hoos loo dhigo.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA SHEEKH CALI.