Dhageyso:Rag Basaas u ahaa Maraykanka iyo Dowladda Itoobiya oo Lagu Dilay Saakow.

sawirBoqolaal Kamid ah Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada ayaa soo xaadiray goobta uu xukunka ka dhacay,

Cabdullaahi Axmed Cabdiraxmaan oo Loo Yaqaano (Nabadoon Yarrow) Da’diisuna ahayd 51 Sanno Jir ayaa La Shaqeeynayay Ciidamada Maraykanka ee Degan Garoonka Balli-doogle Ee Shabeelaha Hoose.

Qaadiga ayaa sheegay Cabdullaahi inuu shaqo badan uqabtay Maraykanka sida inuu ka danbeeyay dil loo gaystay xubno badan oo kamid ahaa maamulkii degmada Wanlaweyn ee Shabeelaha Hoose.

1-Cabdullaahi ayaa ciidamo uqoray Maraykanka isagoo sidoo kale ka danbeeyay weerar Maraykanku ka fuliyay TuuladaBaladul Amiin iyo Jameeco ee Shabeelaha Hoose.

Waxa uu Maraykanka La Shaqeeyay Muddo 10 Bilood ah isagoo qaadan jiray bishiiba 600 oo Doolar.

2-Maxamed Salaad Kaahiye oo 31 Jir ah kana tirsanaa Bs-ta ayaa kamid ahaa raggii lagu dilay Saakow.

Maxamed Ayaa Mar Darawal u ahaa Sarkaal katirsan Ciidamada Sirdoonka Dowladda.

Waxa uu far muuqay 40 qof oo gacanta Lagu dhigay.

3-LIibaan Xuseen Maxamed oo Da’diisu ahayd 23 Sanno jir ayaa ahaa qofka sadaxaad ee Lagu Toogtay Saakow.

Waxa uu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda oo Ku xiray Itoobiya.

Waxa uu howlo basaas ah uqabtay mas’uuliyiin dowladda katirsan iyo ciidamada Itoobiya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Qaadiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.