Diyaarad uu leeyahay Ciidanka Yahuudda oo ku burburtay meel u dhow Qazza.

1020165223216979

Maalintii shalay oo arbaco ah waxaa diyaarad uu leeyahay Ciidanka Yahuudda ay ku burburtay meel u dhow magaalada Qazza, iyadoona uu khasaare uu soo gaaray duuliyeyaashii iyo ciidankii saarnaa diyaaradda.

Diyaaradda burburtay oo nooceedu yahay F16 ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu dab ka kacay iyadoo isku dayayso iney ku degato garoon ciidan oo ku yaala meel u dhow magaalada go’doonsan ee Qazza.

Wargeyska Yadiicoot ee kasoo baxa dhulka Yahuuda xooga ku joogta ayaa xaqiijiyay dhimashada duuliyihii diyaaradda, iyo dhaawac soo gaaray mid kamid ah Askartii saarneyd diyaaradda, waxaana Wargeysku sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka diyaaradda.

Kahor inta aysan burburin diyaaradda waxay kasoo laabatay magaalada Qazza halkaas oo ay duqeymo ka waday, lamana oga in halkaas uu saaruukh kaga soo dhacay iyo in kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.