Diyaaradaha Ruushka oo duqeeyay Iskuul ku yaala gobolka Idlib.
Nidaamka Suuriya iyo dowladda Ruushka ayaa duqeymo arxan darro ah waxay maalin waliba ka geystaan gobollada kala duwan ee dalka Suuriya, waxaana duqeymahaas ay yihiin kuwa aan loo kala meel dayin.
Duqeyn gelinkii dambe ee shalay ka dhacday magaalo lagu magacaabo Xaas oo katirsan gobolka Idlib ayaa waxaa ku dhintay tobanaan ruux oo u badnaa Caruur.
Duqeynta ugu daran ayaa haleeshay Iskuul ay wax ku bartaan Caruur da’ yar ah, waxaana durba meesha ku dhintay 35 Ruux oo isugu jira Caruurta iyo macalimiinta Iskuulka, waxaana xilliga la duqeynayay Iskuulka ay Ardaydu ahaayeen kuwa saf dheer ku jira.
Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray qaar katirsan Ardayda, iyadoona haatan lagu dabiibayo goobaha Caafimaadka ee gobolka Idlib, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dhaawacyadu gaarayaan 22 qof.