Dowladda Maraykanka oo ugu baaqday ehalada Shaqaalaheeda iney ka baxaan dalka Turkiga.
Iyadoo dowladda Maraykanka ay inbadan ku tacadisay xuquuqda Muslimiinta ayaa hadda waxay kaligeeda wajaheysaa dhibaatada uga timid dulmigii ay sanadihii lasoo dhaafay illaa iyo hadda ku hayso Muslimiinta, waxaana Muwaadinka Maraykanka ee aan muslimka ahayn uu mar waliba dareemaa tahdiid amni ah.
War kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa looga digay Ehelada Shaqaalaha qunsuliyadda Maraykanka uu ku leeyahay Turkkiga suurta galnimada weeraro iyaga ka dhan ah kuwaas oo ay fuliyaan Jamaacaad Jihaadi ah oo kasoo horjeeda siyaasadda Maraykanka.
Bayaanka kasoo baxay Maraykanka ayaa loogu baaqay ehelada mas’uuliyiinta Maraykanka ee Turkiga iney kasoo tagaan Turiga sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana bayaanka lagu adkeeyay iney jiraan weeraro la filayo in lagu qaado Muwaaadiniinta Maraykanka ee degan dalka Turkiga.
Waxaa sidoo kale bayaanka lagu cadeeyay in ay sideeda usii furnaaneyso Qunsuliyadda iyo guud ahana xafiisyada Diblumaasiyadda balse kaliya digniintan ay quseyso ehelada mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Maraykanka ee ka shaqeeya Qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay Istanbuul.