Dowladda Qadar oo shaacisay geerida mid kamid ah madaxdii soo martay dalkaas.

qatars-emir-hamad-bin-khalifa-al-thani-and-his-son-qatari-crown-prince-sheikh-tamim-bin-hamad-al-thani

War kasoo baxay madaxtooyada dowladda Qadar ayaa lagu iclaamiyay geerida Khaliifa bin Xamad Aala-Thaani oo ahaa amiirkii lixaad ee soo mara dowladda Qadar, islamarkaana ka qayb qaatay dhisida dowladan.

Warka kasoo baxay madaxtooyada looga arimiyo Qadar ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday Khaliifa bin Xamad Aala-Thaani galabnimadii shalay kadib xanuuno in muda ah uu lasoo hardamayay, waxaana uu ku geeriyooday da’ gaareysa 84 sano.

Saddex maalin oo baroor diiq ah ayaa laga iclaamiyay dalka Qadar, waxaana hoos loo dhigayaa calanka dowladaas maadaama ninka geeriyooday ay ku tiriyaan inuu taariikh weyn ku dhex leeyahay dowladda Qadar.

Khaliiifa bin Xamad Aala-Thaani ayaa ahaa amirkii lixaad ee soo mara xukuumadda Qadar waxaana uu soo qabtay xilal kala duwan, laga soo bilaabo 1960 illaa 1995 kolkaas uu afgembi qarsoodi ah uu ku sameeyay wiilkiisa Xamad bin Khaliifa Aala-Thaani lana wareegay talada dowladda Qadar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.