Dowladda Talyaaniga oo Albaabada isugu dhufatay Masaajid ay ku cibaadeystaan Muslimiinta, iyo Muslimiinta oo arinkaas ka xumaaday.

441

Talyaaniga oo kamid ah dalalka dhaca qaaradda Yurub islamarkaana dagaal fog lasoo galay dadka Muslimiinta ah ayaa haatan wuxuu gudaha dalkiisa ka wadaa tallaabooyin lagu curyaaminayo Islaamka kusiii fidaya dalkaas, iyadoona dowladda Talyaanigu billowday iney xirto Masaajida Muslimiintu ku tuktaan.

Ugu yaraan shan masjid ayay dowladda Talyaaniga xirtay mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana ay ku andacootay in Masaajidan ay ku yaalaan goobo sharci darro ah oo aan suura gal ahayn, balse waxaa arinkaas diidan Muslimiinta oo u arka in qorshahan uu yahay mid lagu colaadinayo Muslimiinta islamarkaana lagu diidanyahay in bulshada Muslimiinta ku dhex faafaan dadka Talyaaniga.

Shalay oo Jimco ahayd dad Muslimiin ah oo laga xiray masaajidii ay Jimcaha ku tukan lahaayeen ayaa salaadda Jimcaha ku tuktay barxad weyn oo ku taalla kasoo horjeedka dhismaha taallada Taariikhiga ah oo ku taalla magaalada Rooma caasimadda Talyaaniga.

Qof u hadlay bulshada Muslimiinta Talyaaniga ayaa cadeeyay in mudooyinkii ugu dambeeyay dowladda Talyaaniga ay xirtay shan Masjid, islamarkaana Muslimiintu la’ yihiin goob ay ku oogaan waajibaadka diiniga ah ee saaran, waxaana uu sheegay in tallaabada ay sameeyeen ay tahay mid ay ku muujinayaan cabashadooda ku aadan go’aanada kasoo baxay dowladda Talyaaniga.

Isagoo la hadlyay Wakaaladaha Wararka ayuu sheegay qofkan Muslimka ah iney ka xunyihiin tallaabada ay qaadatay dowladda Talyaaniga, isagoona sheegay in haddii ay yihiin Muslimiinta Talyaaniga ay la kulmayaan dhibaato kala duwan, isagoona intaa ku daray ineysan lahayn Muslimiinta Jaaliyado iyo Ururo ay ku mideysanyihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.