Dowladda Turkiga oo ku faaneysa iney qayb ka tahay duulaanka lagu qaaday magaalada Muusil.

images

Iyadooo maalintii labaad uu socoda duulaanka Rawaafida iyo Reer Galbeedka oo is kaashanay ay ku qaadeen magaalada sunniga ah ee Muusil ayaa waxaa wali jirin horumar la taaban karo oo ay kasooo hooyeen dagaalladaas, waxaana magaalada Muusil wali ku jirtaa gacanta Ahlu sunnaha.

Dowladda Turkiga oo caan ku ah hagar daameynta shucuubta Muslimiinta ah ayaa si cad ugu faaneysa in ciidamadeeda ay qayb kayihiin duulaankaas lagu qaaday maggaalada Muusil, kadib dhowr maalmood oo Xukuumadda Raafidada Ciraaq ay sheegeysay in Turkigu ka qayb qaadan Karin dagaalka Muusil.

Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Turkiga Fikri Iishiq ayaa isagoo ka hadlayay kulan uga socoda wasiirada arimaha dibadda ee qaar kamid ah dalalka Yurub dalka Talyaaniga in ciidamadoda si toos ah oo muuqata uga qayb qaadanayaan dagaalka muusil.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Turkiga Yuldareem ayaa kalimad uu ka jeediyay Tvga dalkaas wuxuu ku sheegay in diyaaradaha Turkigu duqeymo ka fuliyeen magaalada Muusil.
Hadalkan cad ee kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa qayb ka ah hadalada ay sida tooska ah ugu muujineysa duulaanka ay ku tahay dadka Muslimiinta, waxaana Ordogan oo iska dhiga qof u danqada Muslimiinta ay xaqiiqdiisu tahay cilmaani gacanta ugu jira Reer Galbeedka, waxaana dowladda Turkiga ay qayb ka tahay duulaanka sanadkii 2001 lagu qaaday Afqaanistaan, kan hadda ku socoda Ciraaq iyo faragelinta Shisheeyuhu ku hayaan dalka Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.