Guuleed “odayaasha baarlmaanka soo xulaya dhaqan celin bay u baahan yihiin”(Maqal)

odayaalNabadoon Maxamed Axmed Guuleed (fartaag) oo ay wareysatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan ayaa sheegaya in odayaasha ka shaqeynaya in baarlamaan cusub la keeno yihiin kuwo dalka iyo dadka gatay oo danta shisheeye ka shaqeynaya.

Wuxuu tilmaamay in odayaashaashu dhaqan celin u baahan yihiin ilaa gumeysigii cadaana ay jireen odayaal ceynkaan ah oo danaha soo duulayaasha ka shaqeynayay.

Guuleed wuxuu odayaashaas kula dar daarmay in ay Allaah u towba keenaan oo ay faraha kala baxaan howsha foosha xun ee ay gacanta kula jiraan.

Dhanka kale fartaag wuxuu ka hadlay arinta federaalka ee Soomaaliyada lagu qeybiyay iyo dhibaatada ay umadda u leedahay.

Dhalinyarada soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay fadhiga ka kacaan oo ay dalka shisheeyaha ka xoreystaan.
Halkan Ka Dhageyso Waraysiga Guuleed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.