Hogaamiye sare oo katirsan Jabhadda Fatxu-Shaam oo ku shahiiday dalka Suuriya.
Wararka naga soo gaaraya dhulka barakada iyo fadliga u saaxiibka ah ee Shaam ayaa sheegaya inuu shahiiday hogaamiye sare oo katirsan Jabhadda Fatxu-Shaam kaas oo lagu magacaabo Abul Faraj Al-Misri.
Hogaamiyahan shahiiday ayaa wararka horudhac ah ee aanu ka heleyno dad ku sugan Shaam kana ag dhow Mujaahidiinta waxay ku waramayaan iney beegsatay diyaarad ay leedahay dowladda Maraykanka isagoo ku sugan magaalada Jisru-Shuquur ee gobolka Idlib.
Abul Faraj Al-Misri Allah ka aqbale shahaadadiisa oo kasoo jeeda dhulka Masar, kana mid ahaa hogaamiyaasha Rug cadaaga ah ee ku cireystay Jihaadka iyo Thabaatka ayaa kasoo muuqday dhowr Isdaar oo kasoo baxay Jabhadda Fatxu-Shaam, waxaana ugu caansanaa silsilado wathaa’iqi ah oo loogu magac daray Warathatul Majdi, waxaana sidoo kale uu kasoo muuqday bayaankii uu jeedinayay Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani kaas oo lagu iclaamiyay isbedelka dhanka magac ah ee ku yimid Jabhadda, waana Sheekha fadhiya gacanta midig ee Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani.
War kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka The Pentagon ayay ku sheegtay in iyadu ka dambeyso Weerarkaas lagu dilay Sheekh Abil Faraj Al-Misri.
Taariikhdiisa iyo haddii bayaanaad ay soo baxaan oo ku saabsan Istish-haadkiisa barnaamijyadeena iyo wararkeena soo socoda ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa Inshaa’Allah