Imaam Masjid oo dhowr maalmood kahor lagala baxay gurigiisa ayaa maydkiisa laga helay Baqdaad.
Dowladda Raafidada Ciraaq ayaa maalmahan wada howlgallo lagu baacsanayo dadka Muslimiinta islamarkaana lagu xir xirayo, kuwaas oo ay ku tuhmayaan iney kasoo horjeedaan Shiicada islamarkaana taageersanyihiin Jihaadka ka socoda dalka Ciraaq.
Waxaa labo maalin kahor ciidamo katirsan kuwa Amaanka Xukuumadda Ciraq waxay gurigiisa kala baxeen Imaamka mid kamid ah Masaajida ku yaala magaalada Baqdaad ee Muslimiintu leeyihiin, waxaana haatan la helay maydka Imaamka oo la dilay.
War kasoo baxay Tajamuc ay ku mideysanyihiin Imaamyada Muslimiinta Ahlu sunnaha Ciraaq ayaa lagu sheegay in la helay maydka Sheekh Qays Al-Mashhadaani oo ahaa imaamka iyo khadiibka masjidak Jaamaca ee lagu magacaabo Al-Kaylaani.
Sida lagu sheegay bayaanka waxaa maydka Sheekha la helay isagoo ku jira dhismo burubruay, waxaana maydkiisa ka muuqday raadadka tacdiib daran oo loo gaystay, isagoona ka xirna labada gacan.
Labo wiil oo uu mid isagu dhalay kan kalana uu Abti u ahaa ayaa lala qabtay Sheekh Qays, waxaana wali majhuul ah masiirka labadaas wiil oo a suura gal tahay in la dilay ama wali lagu tacdibiinayo xabsiyada Rawaafida.