In ka badan 10 Ruux oo Lagu Dilay Mandheera.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay Magaalada Mandheera oo kamid ah Dhulka ay haysato Dowladda Kenya.
Dad kamid ah Nasaarada Kenya ayaa Lagu weeraray dhismo ku yaala Mandheera Waxaana Halkaas Lagu dilay 15 ruux tiro kalana waa lagu dhaawacay.
“Weerarkan wuxuu qeyb ka yahay silsilado weeraro ah oo mujaahidiintu waayadii dambe ku ugaarsanayeen gaalada ku sugan gobolka NFD, Waxaana lagu dilay ugu yaraan 15 ruux oo gaallo ah, tira kalena waa lagu dhaawacay” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan mujaahidiinta Alshabaab oo la hadlay Idaacadooda Andalus.
Saraakiil Katirsan Dowladda Kenya ayaa dhankooda sheegay in weerarka Magaalada Lagu soo qaaday ay ku dhinteen 12 ruux.
Qaraxyo iyo rasaas culus ayaa xalay si weyn looga maqlayay magaalada Markii xaafadaha lagu arkay ciidamo badan oo katirsan shabaabka.