Itoobiya halkaa xaalkeedu Marayaa ?(Maqal)
Dibad baxyada ka socda dhulka Oromada ayaa aad u sii xoogeysanaya iyadoo shalay la gubay warshad sibirka ama shimiindada sameysa.
Waxaa sidoo kale la gubay saldhigyo baliisku leeyahay tilaabadaana waxaa qaaday dadka oromada oo doonaya in xukunka tigreega ay ka hoos baxaan.
Dhawaan dowladda itoobiya waxay xasuuqday qaar ka mid ah dadka oromada oo ay u beegsatay in ay ka soo horjeedaan waxaanay ku dooday in dadkaasu is buurasho u dhinteen.
Si ay ra’yiga bulshada caalamka ku nool meel kale ugu jahayso xukuumadda tigreegu waxay ku dhawaaqday in dadka le’day ay u baroordiiqeyso.
Aqoon yahan Cabdulaahi Cali Hiirad oo aad ula scoda xaaladda itoobiya iyo dibad baxdayada oromada iyo amxaaradu dhigayaan ayaa u waramay Idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxaanu ka faaleeyay sida xaajadu u eg tahay.