Itoobiya oo bakool geeddi ka ah.

ciidamada-itoobiyaCiidamada itoobiya ee ku sugan magaalooyinka xudur iyo tayeegloow ee gobalka Bakool ayaa ku jira diyaar garowgii u dambeeyay ee ay uga baxayaan magaalooyinkaas.

Ilo xog ogaal ah oo ay la xariirtay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan ayaa sheegaya in labada magaalaba ciidanki amxaarada iyo tigreega ee jooga gaadiidka rarteen isla markaana gaari waliba oo shidan yahay waxa la sugayaana ay yihiin in ay dhaqaaqaan haddii aanay imaan sababo kale oo dib u dhiga socodkooda.

Magaalada tayeegloow waxaa soo gaaray sagaal gaari oo ka mid ah 37 todobo gaari oo dhawaan yimid xudur si ay daad gureynta ciidanka iyo qalabkooda qeyb uga noqdaan.

laba baabuur oo dhaadheer ayaa lagu raray ama la saaray kaarayaasha itoobiya ee tayeegloow ku sugnaa sida naloo xaqiijiyay.

Sidoo kale gaadiidka tayeegloow yimid waxaa ku jiray hal gaari oo taayero wada cusub saarnaayeen kuwaasoo loogu tala galay in lagu bedelo kuwii horay gawaarida ugu xirnaa maadaama safar dheer la gelayo.

Ciidanka itoobiya ayaa rabay in ay xiligaan ka hor baxaan laakiin waxay tix geliyeen cataaw uga yimid madaxda gobalka ee soomaalida ah oo sheegay in ay ka cabsi qaba in xarakada shaababul mujaahidiin weerar kaga yimaado sidaa aawgeedna ay ka codsanayaan in ay sugaan inta ay uga imaanayaan diyaarado ay ku tagaan muqdisho iyo baydhabo.

Dhanka kale magaalada waajid ee isla gobalka bakool waxaa jira warar sheegaya in itoobiyaanku dhaq dhaqaaq bixitaan u muuqda ka wadaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa shalay u sheegay madaxda soomaalida ah in aanay raaci Karin taasoo abuurtay walaac iyo argagax weyn waxaana la sheegayaa in mid ka mid ah hogaamiyaasha  uu miir daboolmay.

Waxaa jiray hadal ay isla soo qaadeen kuwa lagu war geliyay in aanay itoobiyaanka tilaab ka daba rogi Karin oo la xariira in ay ay deegaanada soohdin beenaadka ku yaalla sida quracjoomo iyo agagaarkiisa ka soo jabhadeeyaan laakiin arinkaas waa la isku waafiqi waayay.

Hadda qof waliba oo itoobiyaanka la shaqeeyay waxa uu ka fikirayaa sidii uu naftiisa u bad baadsa lahaa waxauu dib u xasuusanayaan dakanooyinkii uu galay iyo sida ugu macquulsan ee uu isaga meyri karo.

Dad badan ayaa la soo xariiray maamulada xarakada mujaahidiinta alshabaab ee gobalka bakool iyagoo u sheegay in ay imaanayaan ayna dalbanayaan in muslimiintu iska cafiyaan allaahna ay u towba keenayaan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.