Jamaacaad ka howlgala dalka Suuriya oo bayco la galay Jabhadda Fatxu-Shaam.
Iyadoo dagaalka dalka Suuriya uu galayo marxalad adag islamarkaana Muslimiinta halkas ku dhaqan ay isugu soo habar wacdeen Gaalada Aduunka ayaa dhanka kale Mujaahidiintu waxay wadaan is uruursi iyagoo gaaraya midnimo dadka Muslimiinta ah ku farxeen.
Iyadoo dhawaan Jamaacada Jundul Aqsaa ay si buuxda beyco ula gashay Jabhadda Fatxu-Shaam ayaa waxaa tallaabadaas ku dayday Afar Jamaaco Jihaadi ah oo ka jihaada dalka Shaam.
Bayaan kasoo baxay Jamaacaadka Liwaa’u Safwa, Saraayal Qurabaa, Liwaa’ul Cazmi, Liwaa Shahiid Mustafa Al-Dihmaan oo labo bilood ka hor ku midoobay magac ah Katiibada Al-Muraabidhuun ayaa ku dhawaaqay iney ku biireen ayna bayco buuxda la galeen Jabhadda Fatxu-Shaam.
Bayaanka oo ay baahiyeen warbaahinta Jabhadda Fatxu-Shaam ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo waajibnimad Midnimada, iyo xoojinta awooda Muslimiinta Shaam ay Jamaacda Al-Muraabidhuun qaadatay go’aanka ah iney ku biirto Jabhadda Fatxu-Shaam.
Waa guul iyo farxad u soo hoyadtay muslimiinta
Waxaan allaah xagiis rejeynayaa in muslimiintu
Middobaan si sharaf iyo cisi allaah noo siiyo