Maalintii labaad dagaalka Xalab, Mujaahidiinta oo guulo soo hooyay.
Iyadoo maalintii shalay Mujaahidiinta Jayshul Fatxi ee dalka Suuriya ay ku dhawaaqeen xamlo xisaarka looga qaadayo magaalada Xalab ayay Mujaahidiintu dagaalka kasoo hooyeen guulo la taaban karo iyadoo dagaalku socodo muda kooban.
Dagaalka oo shalay billow ahaa ayaa illaa iyo hadda waxaa dhacay afar camaliyad oo Istish-haadi ah, oo saddex kamid ah ay fuliyeen saddex Mujaahid oo kasoo kala jeeda Xaramaynka, Masar iyo Suuriya kuwaas oo katirsanaa Jabhadda Fatxu-Shaam waxaana Mujaahidka afaraad ee fuliyay Camliyada Istish-haadiga ah uu katirsanaa walaalaha Xisbiga Islaamiga ee Turkistaan wuxuuna kasoo jeeda dalka Turkiga.
Illaa iyo hadda Mujaahidiintu waxay la wareegeen dhufeyso muhiim ah oo ay ku sugnaayeen malleeshiyaadka Nusayriyada iyo kuuwa Rawaafida, waxaana kamid ah xaafadda Al-Asad, Macmal Kurtoon, iyo goobo kale, waxaana jira khasaare baaxad leh oo soo gaaray ciidamada Nusayriyada oo hal maalin oo kaliya dhimashadoodu gaartay tobanaan Ruux.
Waxay sidoo kale Mujaahidiintu ku guuleysteen iney gacanta ku dhigaan Maxaabiis nool nool oo shiico ah kuwaas oo qaarkood ay kasoo jeedeen dalka Ciraaq, waxaana sidoo kale Mujaahidiinta Jabhadda Fatxu-Shaam ay ku guuleysteen iney dilaan Sarkaal sare oo katirsan ururka Xisbullaata.
Saraakiisha horboodeysa dagaalkan Malxmada ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalku uu u socodo sidii loogu talagalay islamarkaana aanu ku ekaan doonin ooo kaliya in go’doonka laga qaado Xalab balse Mujaahidiintu damacsanyihiin iney guud ahaan la wareegaan Xalab.
asc walalaha alfurqaan hadii aan ra yigeyga kadhiibto dagaalka dib uga bilowday magaalada xalab waxan leeyahay muslimiinta guusha allah siiyo aamiin angana duco ayaa nalagu leeyahay shiicada iyo gaalada ruushka allah jabiyo guushana muslimka ayaa iskaleh