Mar kale…Mujaahidiinta Dhaalibaan oo gudaha u galay magaalada Qunduuz kadib dagaal xoogan.
Ciidamada Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa waaberigii maanta oo Isniin ah waxay weerar xoogan oo aad u culus ay ku qaadeen magaalada Qunduuz oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn ee dalka Afqaanistaan.
Boqolaal katirsan Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa Afar jiho ka weeraray magaalada Qunduuz, waxaana dagaal toos ah ay la galeen Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milliteriga ee ku sugnaa magaalada.
Diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee Hellicopterska ayaa la arkayay iyagoo ka qayb qaadanaya dagaalka balse kuma guuleysan iney joojiyaan Taqadumka Mujaahidiinta oo dagaal dheer kadib u suura gashay iney gudaha usoo galaan xaafado kamid ah magaalada Qunduuz.
Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Ciidamada Booliiska Xukuumadda taagta daran ee Kaabul oo la hadlay wakaaladaha wararka ayaa xaqiijiyay in gudaha magaalada ay soo galeen Ciidamada Mujaahidiinta, waxaana uu sheegay iney wadaan dadaallo ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku difaacdaan magaalada.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan Dabiixullahil Mujaahid ayaa qoraal kooban oo uu kusoo qoray bartiisa Twitterka wuxuu ku xaqiijiyay weerarka, isagoonta intaa ku daray iney jiraan khasaare ay gaarsiiyaan Ciidamada Xukuumadda dabadhilifka ee Kaabul.