Maxbuuskii ugu dambeeyey ee kasoo jeeda dalka Murutaaniya kuna xirnaa Guwantanamo oo lasii daayay.

441

Xabsiga sumcada daran ee Guwanatanmo oo ay ku xiranyihiin maxaabiis farabadan oo Muslimiin ah ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in lasii daayay Maxbuus muslim ah oo inkabadan toban sano u xirnaa dowladda Maraykanka.

Maxbuuska lasii daayay ayaa lagu magacaabaa Muxamed Walad Salaaxi, wuxuuna 15 sano oo xiriir ah ku xirnaa xabsiga dulmiga iyo sumcad darada u saaxiibka ah ee Guwantanamo.

Diyaarada milliteri oo ay leedahay dowladda Maraykanka ayaa Saalixi waxay kasoo dejisay magaalada Nuwaakshood ee caasimadda Murutaaniya, iyadoona ku wareejisay dowladda wadankaas, waxaana Muxamed Walad Saalixi si aad ah usoo dhaweeyay Eheladiisa iyo dad Muslimiin ah oo ka qayb qaatay ololaha lagu soo daayay.

Aabaha dhalay Maxbuuskan dib Xurriyadiisa u helay ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay wariyaal isugu soo xoomay afaafka hore ee guriga qoyska ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay sii daysmada wiilkiisa islamarkaana uu u mahad celinayo guud ahaan dadkii ka qayb qaatay in wiiilkiisa uu dib u helo Xurriyadiisa.

Muxamed Walad Saalixi ayaa ah maxbuuskii ugu dambeeyey ee kasooo jeeda Murutaaniya islmarkaana laga sii daayay Guwantanmo, balse waxaa wali xabsiga ku jira tobbanaan dhalinyaro Muslimiin ah kuwaas oo dembi looga dhigay ka qayb galka Jihaadkii lagu difaacayay walina ka socoda dalka Afqaanistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.