Muhiim intee la eg bay leedahay Magaalada Tayeegloow(Dhageysi)
Magalada tayeegloow ee gobalka bakool iminka waxaa mamauleysa xarakada mujaahidiinta alshabaab shalay subax ayayna la waregtya saacado kadib markii ciidamada amxaarada iyo tigeegu ka baxeen.
Korneyl cabdulqaadir axmed nuur oo ka tirsanaa meleterigii soomaaliya ayaa sheegaya in ciddii tayeegloow haysata ay u fududahay in ay ka howl gasho gobalada bakool, baay, shabeelaha hoose, shabeelaha dhexe iyo hiiraan.
Wuxuu tilmaamay in tilabaada ciidamada Itoobiya uga baxeen tayeegloow caddeyn u tahay in ay guud ahaan soomaaliya ka baxayaan maxaa yeelay buu yiri waxay ka huleeleen magaalo muhiim u ah howl galada ciidamada iskuna xirta gobalo muhiim ah.
Wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayuu korneylku ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in itoobiyaanku cagaha wax ka dayaan.
Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay magaalooyin iyo muhiim ah oo soomaaliya ka tirsan waxaana la wareegtay xarakada mujaahidiinta alshabaab waxaana jira magaalooyin iminka itoobiyaanku dhaq dhaqaaq bixitaanka la xariira ka wadaan iyadoo alshabaabkuna isu diyaarinayaan sidii ay u qabsa lahaayeen.