Mujaahid Filastiini ah oo weerar ku qaaday Yahuud ku sugneyd magaalada Qudus.

photo_2016-10-09_12-35-34

Barqinamdii maanta ayaa Mujahid Filastiini kaligii duule ah waxa uu weerar ku qaaday Dad Yahuud ah oo ku sugnaa magaalada Al-Qudus ee Yahuudu xooga uga heystaan Muslimiinta.

Mujaahidka kaligii duullaha ahaa oo hubeysnaa ayaa Rasaas ooga uga qaaday dad Yahuud ah, isagoona halkaas ku dilay 2 qof halka uu dhaawacyo xoogan gaarsiiyay 6 Ruux oo kale oo uu ku jiro mid kamid ah Ciidamada Booliiska maamulka Yahuudda.

Ciidamada Yahuudda oo dagaal la galay kaligii duulahan Mujaahidka ah ayaa markii dambe dilay, waxaana baraha Internetka lasoo dhigay sawir muujinaya Mujaahidka shahiiday oo barkan hubkiisa.

Weerarada kaligii duulnimada ee Muslimiintu ku qaadayaan Yahuuda xooga ku heysta dhulka Filastiin ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay sii kordhayay.

Warbaahinta qaar ay sheegay in ruuxa weerarka fuliyay uu kasoo jeedo Qudus islamarkaana lagu magacaabo Misbaax Abuu Sabiix, waxaana uu kamid ahaa dadkii Ribaadka kaga jiray masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa.

You might also like
1 Comment
  1. Subeyr Warsame says

    Ilaahay hu aqbalo shahaadadiis mujaahidka shahiiday ,inaga ilaahay ha inaga yeelo ku u hiiliya walaalahooda dulman ee muwaxidiinta ah ee ku kala nool daafaha caalamka ,ha ugu horeeyeen reer fisldiin.

Leave A Reply

Your email address will not be published.