Mujaahidiinta Suuriya oo ku dhawaaqay qazwo loogu magac daray Yowmu Caashuura.

photo_2016-10-11_10-38-42

Jamaacaadka jihaadiga ah ee ka howlgala dalka Suuriya qaar kamid ah ayaa ku dhawaaqay qazwo loogu magac daray Yowmu Caashuura taas oo qorshaheeda uu yahay in Mujaahidiintu kula wareegaan Jabalul Akraad ee gobolka Allaadiqiyah.

Barta Telegramka ay ku leedahay Jabhadda Fatxu-Shaam oo ah hormuudka Qazwadan ayaa lagu baahiyay sawirada Ciidamada Mujaahidiinta oo isku diyaarinaya duulaanka, islamarkaana wata hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira jamaacaad kale oo Jabhadda ku wehliya macrakadan.

Qazwada oo bilaabatay xalay ayaa Mujaahidiinu waxay ka gaareen guulo la taaban karo iyadoo un ay socoto saacado kooban, waxaana ay la wareegeen dhufeysyo iyo dalcado waaweyn oo istiraatiiji ah kuna dhirirsan deegaanka Jabalul Akraad.
Goobaha ay Mujaahidiintu la wareegeen saacadihii lasoo dhaafay waxaa kamid ah Naxashbaa, Tallatul Burkaan, Rishaa, Tallatu-Dabaabaat iyo kuwa kale, waxaana jira maxaabiis nool oo katirsan Nusayriyada oo soo galay gacanta Mujaahidiinta.
Dhimashada Nusayriyada ayaa ah mid isasoo tareysa, waxaana ay la kulmayaan dagaal aysan ku tashan oo aad u xoogan, iyadoona Jabhadda Fatxu-Shaam ay xaqiijisay iney gubtay gaari uu saaranyahay qoriga Shilkaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.