Muslimiinta Baarma oo bilaabay dagaal Jihaad ah oo ka dhan ah ciidanka dalkaas.
Dalka Baarma oo ah mid kamid ah dalalka sida arxan darrada ah loogu dhibaateeyo dadka Muslimiinta ayaa waxaad moodaa in Muslimiinta ku nool ay haatan cagta saareen wadada Cizziga iyo sharafka oo ah Jihaadka, waxaana dhalinyarada dalkaas ay bilaabeen iney tababartaan.
Gobollada qaar ayaa waxaa ka dhacaya dagaallo kudhof ka dhaqaaq ah oo ay qaadayaan Dhalinyarada Muslimiinta, waxaana ay weerarayaan xarumaha Booliiska iyo goobaha ay ku yaryihiin ciidamada oo ay awoodi karaan in tiro badan ku dilaan.
Joornaal kasoo baxa dalka Baarma ayaa daabacay in habeenkii Talaadada ay rag hubeysan oo boqolaal gaaraya weerar ku qaadeen bar ay ciidamada Buudiyiintu kaga sugnaayeen magaalada Biyongibit.
Ragga weerarka soo qaady oo ku hubeysnaa bastoolado iyo seyfo ayaa dagaal fool ka fool ah waxay la galeen ciidamada goobta ku sugnaa, iyagoona goobta ku dilay 4 Askari, halka dhankooda uu ka dhintay hal ruux waa sida ay sheegayaan Booliiska.
Sidoo kale habeenkii Axadda ay soo galaysay ayaa rag hubeysan waxay weerareen xarumo ciidan oo ku yaala xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Baarma iyo Bangaledesh, waxaana halkaas ay ku dileen 9 Askari oo katirsan Booliiska.
Ciidamada Xukuumadda Buudiyiinta ayaa markii ay dhawaceen weeraradan waxay weeraro ku qaadeen magaalooyin ay degaan dad Muslimiin ah, waxaana inta haatan la hayo ku shahiiday 4 Ruux.
Gobolka Raakhiin oo ah halka ay dagaaladu ka dhacayaan ayaa intiisa ugu badan waxaa dega dadka laga tirdada badanyahay ee Muslimiinta Rohinga, waxaana gobolkan sanadkii 2012 uu marti geliyay iska hor imaadyo xoogan oo ay ku dhinteen inkabadan 200 oo Ruux oo u badan Muslimiinta.