Reer Galbeedka iyo Rawaafida Ciraaq oo Xamlo diin la dirir ah kaga dhawaaqay gobolka Neynawaa ee dalka Ciraaq!!
Muslimiinta dalka Ciraaq ayaa wajahaya xamlo dagaaleed kulul oo uga imaaneysa isbaheysiga Reer Galbeedka oo garab taagan Rawaafida dalkaas, kuwaas oo doonaya iney dib u qabsadaan dhul ka maqan gacantooda oo ay ku suganyihiin Ahlu Sunnaha dalka Ciraaq.
Warbaahinta Caalamka noocyadooda kala duwan ayaa aad u hadal haya xamlo dagaaleed ay iclaamisay dowladda Maraykanka taas oo ay ku dooneyso iney ku qabsato magaalada Mععwsil oo tan iyo sanadkii 2014 ka maqan gacanta Rawaafida, waxaana xamladan loo sameeyay buun buunin ballaaran si loo cabsi geliyo dadka Muslimiinta ah.
Xaydar Al-Cibaadi Ra’iisul wasaaraha shiiciga ah ayaa kalimad uu ka jeediyay Tvga Xukuumadda Baqdaad wuxuu sheegay inuu billowday howlgalka lagu xureynayo Muuwsil waa sida uu hadlka u dhigaye, islamarkaana ciidamadiisu saacadaha soo socoda guulo kasoo hooyi doonaan.
Al-Cibaadi oo ah shiici cadaawad badan u qaba Ahlu sunnaha ayaa ku hanjabay Aargudasho, waxaana laga cabsi qabaa hadii ay u suurta gasho ciidamada Reer Galbeedka iyo kuwa Rawaafida iney la wareegeen Muuwsil ay dhacaan xadgudubyo ka dhan ah Muslimiinta.
Dowlado badan oo Reer Galbeed ah, iyo Turkiga ayaa ka qayb qaadanaya weerarkan diin la dirirka ah, waxaana intaas oo idil ay u socdaan ayna weerar ku yihiin Muslimiin heysta amni lagu helay Shareecada Islaamka.
Weerarka Muusil ayaa ah mid ku wajahan Muslimiinta halka warbaahinta Reer galbeedku u muujinayaan inuu yahay mid koox gooni ah lagu beegsnayo, waxaana sheegashooyinkaas beeninaya wixii Rawaafidu ka geysteen magaalooyinka Falluuja, Takriit, Ramaadi ee dalka Ciraaq markii ay Rawaafidu la wareegeen.
Sida lagu daawaday filimaan hore oo lagu baahiyay baraha Internetka waxaa malleeshiyaadka Shiicada markii ay galeen Falluuja ku kaceen tallaabo kasta oo dhaqan xuma ah, waxay kufsadeen meelaha qaar hablaha Muslimaadka, halka ay barxado waaweyn ku dileen dhalinyaro Muslimiin ah iyagoo ku andoocnaya iney katirsanyihiin dhalinyarada hubeysan ee Rawaafida la jihaadeysa.
Muusil ayaa la filayaa iney ka dhacaan dagaallo adag oo dhexmara dadka Muslimiinta iyo ciidamada duulaanka ah, waxaana dhanka kale la filayaa in dagaalkeeda uu nodo mid dheeraada oo si fudud ku dhamaan.
Wasiirka dagaalka dowladda Maraykanka Ashton Carter wuxuu hadal uu jeediyay ku sheegay in duulaanka Muusil uu billowday, isagoona muujiyay cabsida uu ka qabo in dagaalkaas uu noqdo mid adag.
Diyaaradaha Maraykanka iyo Tangiyada meelaha fog fog duqeeya ee Maraykanka ayaa duqeymo ku billaabay magaalada Muusil, waxaana saldhiga ugu weyn ee Maraykanku kaga suganyahay gobolka Naynawaa uu ku yaalaa magaalada Al-Qayaara oo 60KM u jirta magaala madaxda Moosil.
Muslimiinta Muusil iyo guud ahaan dalka Ciraaq ayaa walaalahooda kale ee Muslimiinta uga baahan iney usoo duceeyan islamarkaana kusoo xusuustaan sujuuda, waana xaqqa ugu yar ee Muslimiintu isku leeyihiin dhexdooda.