Saakoow oo Shirkad dhanka Biyaha Qaabilsan laga hir Geliyay(WARBIXIN+SAWIRO)
Biyuhu waxay lagama maarnaan u yihiin Dadka iyo Duunyada iyo Noolaha kaleba,
Magaalada Saakoow ee Gobalka Jubada Dhexe inkastoo dad ku noolu biyo haysteen hadana ma ahayn kuwo Xaafadaha wada gaara Shirkad cusub oo daruur la yiraahdo ayaana dhawaan laga hirgeliyay taasoo dhanka biyaha qaabilsan.
Munaasibadda furitaanka Shirkaadaan oo ka dhacday Xarunteeda Saakoow waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Gobalada Jubooyinka, Ganacsatada, odayaasha iyo qeybaha kale ee bulshada qaarkood.
Waxaa goobtaas looga hadlay baahida biyaha loo qabo iyadoo talooyin muhiim ah milkiilayaasha loo jeejidiyay.
Waaliga jubooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo dadka meesha lagu casuumay ka mid ahaa ayaa dar daaran qiima leh u soo jeediyay Shirkadda iyo guud ahaaan bulshada deegaanka.
HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA FURITAANKA SHIRKADA DARUUR